Madaxweynaha Jamh.Federaalka Soomaaliya Oo Farriin Tacsi Ah U Diray Madaxweynaha Jabuuti, Cismaaciil Cumar Geelle

Date:

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa dhambaal Tacsi ah u diray Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Qoraal laga soo saaray Madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu uga Tacsiyadeeyay Madaxweyne Geelle geeridii ku timid walaalkiis Sacad Cumar Geelle.

โ€œWaxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada marxuumka oo la dhashay walaalkey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo lehโ€ayaa lagu yiri War ka soo baxay Madaxtooyada Villa Somalia.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa marxuum Sacad Cumar Geelle Alle uga baryey Eebbe in Marxuumka uu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti u rajeeyay samir iyo iimaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...