Wasiir Beyle “sanadda 2020-ka waxaan rajaynaynaa in deynta cafinta soo gabagabowdo.

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Muqdisho ugu qabtay warbaahinta shirka jaraa’id ee billaha waxaa uu uga hadlay guusha Soomaaliya gaartay wada hadalkii ugu dambeeyay ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiir Beylle ayaa soo dhaweeyay warbixintii ay soo saartay hey’adda lacacga adduunka oo ay ku sheegtay in Soomaaliya ay dhammeystirtay qeybta koowaad ee wajiga afaraad ee deyn cafinta waxaana uu dul istaagay shuruudihii ku xernaa.

Wasiirka Maaliyadda ayaa soo hadal qaaday shuruudaha ku xeran wajiga afaraad ee barnaamijka deyn cafinta waxaana uu tilmaamay in Soomaaliya ay raja wanaagsan ka qabto ka guul gaaridda wada hadallada deyn cafinta.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxaa uu hoosta ka xariiqay guusha wada hadallada deyn cafint inay ku xeran deganaashaha dalka iyo in Soomaaliya ay ka soo baxdo shuruuraha horyaalo waxaana uu bogaadiyaya dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo balan qaaday inay taageerayaan talaab walba oo Soomaaliya looga cafinayo deynta.

Geedi socodka wada hadallada deyn cafinta Soomaaliya oo soo maray wajiyo kala duwan ayuu wasiirku sheegay in ugu dambeynta Soomaaliya ay rajeynayso inay guul ka gaarto sanadka soo aadan ee 2020 lagana cafiyo deymaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...