Mashruuca daaweynta xoolaha oo Muqdisho laga Daah furay

Date:

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa maanta daah-furay Mashruuca daaweynta xoolaha oo laga fulin doono guud ahaa Gobolada dalka oo dhan.

Ololaha daaweynta xoolaha oo loogu talo galay in si lacag la’aan ah loogu dabiibo In ka badan 14 milyan oo xoolo ah, isuguna jira Ari, Lo’ Iyo Geel ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, hey’adaha FAO , UK aid iyo midowga yurub.

Xaflada daah-furka mashruuca daweynta xoolaha oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Xaananada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, Wasiirada Xanaanada xoolaha ee maamul goboleedyada, Dhaqaatiir, aqoonyahano iyo marti sharaf kale ayaa looga hadlay muhiimada ay leedahay daaweynta xoolaha oo kamida Ilaha dhaqaale ee uu dalkeenu leeyahay.

Nuurto Sheekh Maxamuud oo ku hadashay magaca ururada dhaqaatiirta xoolaha iyo Wasiirka xanaanda xoolaha Koonfur galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed oo ku hadlay magaca maamul goboleedyada ayaa sheegay In ay qeyb weyn ka qaadan doonaan sidii loo fulin lahaa mashruucan oo ka hortaggi doono dabar go’a xoolaha Dalka.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo mashruuca daahfuray ayaa sheegay in si loo xoojiyo dhoofinta xoolaha ay muhiim tahay in aad looga shaqeeyo daaweyntooda, maadaama ay dalka laf dhabar u yihiin.

Xoolaha oo ka mida ilaha dhaqaale ee uu dalkeenu ku xisaabtamo ayaa laga talaali doonaa Cuduro kala duwan sida gooryaanka, shilinta, iyo cudurada kale ee qatarta ah si loo kordhiyo tiro ahaan iyo tayo ahaan intaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...