Mashruuca daaweynta xoolaha oo Muqdisho laga Daah furay

Date:

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa maanta daah-furay Mashruuca daaweynta xoolaha oo laga fulin doono guud ahaa Gobolada dalka oo dhan.

Ololaha daaweynta xoolaha oo loogu talo galay in si lacag la’aan ah loogu dabiibo In ka badan 14 milyan oo xoolo ah, isuguna jira Ari, Lo’ Iyo Geel ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, hey’adaha FAO , UK aid iyo midowga yurub.

Xaflada daah-furka mashruuca daweynta xoolaha oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Xaananada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, Wasiirada Xanaanada xoolaha ee maamul goboleedyada, Dhaqaatiir, aqoonyahano iyo marti sharaf kale ayaa looga hadlay muhiimada ay leedahay daaweynta xoolaha oo kamida Ilaha dhaqaale ee uu dalkeenu leeyahay.

Nuurto Sheekh Maxamuud oo ku hadashay magaca ururada dhaqaatiirta xoolaha iyo Wasiirka xanaanda xoolaha Koonfur galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed oo ku hadlay magaca maamul goboleedyada ayaa sheegay In ay qeyb weyn ka qaadan doonaan sidii loo fulin lahaa mashruucan oo ka hortaggi doono dabar go’a xoolaha Dalka.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo mashruuca daahfuray ayaa sheegay in si loo xoojiyo dhoofinta xoolaha ay muhiim tahay in aad looga shaqeeyo daaweyntooda, maadaama ay dalka laf dhabar u yihiin.

Xoolaha oo ka mida ilaha dhaqaale ee uu dalkeenu ku xisaabtamo ayaa laga talaali doonaa Cuduro kala duwan sida gooryaanka, shilinta, iyo cudurada kale ee qatarta ah si loo kordhiyo tiro ahaan iyo tayo ahaan intaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...