Wasiirka Caafimaadka XFS iyo madaxda Qatar Charity oo wada jir xarigga uga jaray qeyb cusub oo lagu kordhiyay Isbitalka Deyniile

Date:

Munaasabad kooban ooo xariga looga jarayay xarunta cusub ee hooyada iyo Dhallaanka oo lagu kordhiyay isbitalka Deyniile ee Muqdisho waxaa ka qeybgalay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Mawro Fowsiyo Abiikar Nuur madaxda Hayโ€™adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya oo kaalin ka qaadatay hirgelinta iyo qalabeynta xaruntaasi,guddoomiyaha demada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar iyo xubno kale,kuwaasi oo ku ammaanay Hayโ€™adda Qatar Charity sida ay u garab taagan tahay bulshada Soomaaliyeed goor kasta.

Masโ€™uuliyiintan ayaa si wada jir ah u kormeerey qeybaha xaruntaasi ay ka kooban tahay,iyagoo u kuurgalayay habka loo qalabeeyey iyo dhismaheeda iyo in ay dabooli karto baahiyaha bukaanada,wasiirka caafimaadka ayaa maamulka isbitalkaasi ka dhageystay warbixin ku saabsan qaabka loo qalabeeyey xaruntaasi iyo sida ay bukaanada baahiyohooda u dabiili karto.

Cabdi Nuur Xaaji Cali Madaxa Hayโ€™adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya ayaa faah faahiyay dowrkoodi ku aadan howlaha xaruntaasi cusub lagu hirgeliyay iyo waxyaabaha ay ka kooban tahay.

โ€œMaanta waxaa farxadweyn inoo ah in aan furno xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee Isbitalka Deyniile,xaruntan waxaa ay ka kooban tahay 11 qol oo dhamaan qeybaha loogu talagalay hooyada iyo dhalaanka ka kooban farmashi leh,qeybtii Sheybaarka leh,marka xaruntaasi waxaa dhistay oo maalgelisay Qatar Charity,waxaana howsha socodsiinaysa Hayโ€™adda back.โ€. ayuu yiri Cabdi Nuur Xaaji Cali

Wasiirka Caafimaadka XFS Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa bogaadiysay howlaha lagu garab istaagayo dadka danyerta ah,iyadoo ka wasaarada ahaan sheegtay in dowrkodi ay ka qaadanayaan sidii loo daabooli lahaa baahiyaha caafimaad ee bulshada.

โ€œHayโ€™adda Qatar charity waxbadan ayay dalka ka qabatay,ma ahan oo kaliyaha xaruntan,waan u mahadcelinaynaa,xaruntan hooyada iyo dhalaanka waa waxyaabaha wadanka uu u baahanyahay,meelaha dalka uu ka nugulyahay waa Hooyada iyo Dhalaanka,anaga waxaan ku dadaalaynaa wax allaale wixii karaankeeni ah in aan raadinoโ€.ayay tiri wasiirka Caafimaadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...