Dad Shacab ah oo Argagixisada Alshabaab kula dagaalamay Gobolka Bakool

Date:

Dadka deegaanka ayaa Maleeshiyada Alshabaab kula dagaalamay deegaanka yab-yab oo hoostaga degmada xuddur ee gobolka bakool, waxana dagaalkaas dhacay ka dib markii habeenimadii xaley ay Kooxda Alshabaab si boob ah xoolo uga ka xaysatay dad xoolo
dhaqato ah oo deegaankaas deganaa waxana saaka kadaba tagay dad shacab ah oo isu abaabuley inay la dagaalamaan Kooxda alshabaab.

Dadka Deegaanka ee Is-abaabulay oo la baxay Cali Qaran ayaa Deegaanka Yab-Yab in Muddo ah ku dagaalamayey Maleeshiyada Baxsadka ah ee Alshabaab, waxaana markii dambe ay Nabad diidka kasoo furteen xoolihii ay ka qaateen, iyadoo durba goobta ay gaareen ciidamada xooga dalka oo ugurmaday dadka shacabka ah.

Ugaas Cali dirir waxa uu ka mid yahay abaabulayaasha Deegaanka ee isku biirsaday in ay la dagaalamaan Argagixisada si naftooda iyo maalkoodaba uga badbaadiyaan, wuxuna sheegey in ay diyaar u yihiin la dagaalanka cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

Shacabkaan labaxay Cali Qaran oo la dagaalamaya Cadowga Qarannimada Soomaaliya ayaa waxay ubadan yuhiin dad da’ah oo ay ka go’antahay in ay dhiigooda u daadiyaan difaaca dadkooda.

Cabdulaahi Aadan Maxamed waa Taliyaha Ciidanka deegaanka ee Cali Qaran wuxu warbaahinta Qaranka uga waramay waxa ku kalifey in ay is abaabulaan oo Hubka ay qaataan.

“waxaan u adkeysan weyney dilka, gowraca iyo dhaca joogtada ah oo ay noo geysanayaan maleeshiyada Aslahaab, kadib waxaan go’aansanay in aan u hub uruursano oo aan la dagaalanno arintaasna waan ku guuleysanay” ayuu yiri Cabdulaahi Aadan Maxamed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...