Boob Xoogan Oo Loo Geystay Dukaamanka Dadka Ajanabiga ah Ee Magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika ‘Sawirro’

Date:

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Booliiska ee dalka K/Afrika ayaa xabsiga dhigay in ka badan 70-ruux oo falal bililiqo ah u geystay goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin dadka ajaaabiga ah ee ku sugan magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Booliiska ayaa la arkayay iyagoo rasaas circa u ridaya si ay u kala eryaan dadka geysanayay boobka dukaamada Warka ayaa intaasi ku daraya in ay gubeen gawaari fara badan oo taalay hareeraha wadada.

Bililiqada loo geystay dadka ajanabiga ah ayaa timid xilli ay magaalada Johannesburg ka socdeen bannaanbaxyo lagu dalbanayo in dalka laga saaro ganacsatada ajanabiga ah.

Guddoomiyaha xafiis gobolleedka iyo saraakiil kale ayaa cambareeyay tallaabadaasi lagula kacay goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin dadka ajanabiga ah ee kunool gudaha magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...