Boob Xoogan Oo Loo Geystay Dukaamanka Dadka Ajanabiga ah Ee Magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika ‘Sawirro’

Date:

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Booliiska ee dalka K/Afrika ayaa xabsiga dhigay in ka badan 70-ruux oo falal bililiqo ah u geystay goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin dadka ajaaabiga ah ee ku sugan magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Booliiska ayaa la arkayay iyagoo rasaas circa u ridaya si ay u kala eryaan dadka geysanayay boobka dukaamada Warka ayaa intaasi ku daraya in ay gubeen gawaari fara badan oo taalay hareeraha wadada.

Bililiqada loo geystay dadka ajanabiga ah ayaa timid xilli ay magaalada Johannesburg ka socdeen bannaanbaxyo lagu dalbanayo in dalka laga saaro ganacsatada ajanabiga ah.

Guddoomiyaha xafiis gobolleedka iyo saraakiil kale ayaa cambareeyay tallaabadaasi lagula kacay goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin dadka ajanabiga ah ee kunool gudaha magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...