Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo xilka la wareegay

Date:

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xaflad si heer sare loo agaasimay oo ka dhacday xarunta aqalka D/Hoose, si rasmiya xilka uga la wareegay Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane; Ibrahim Cumar Mahad-Alle.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda sida uu ugu aaminay masuuliyadda culus iyo kalsoonida uu siiyey, waxuna sheegay in isbadel dhinacyo badan leh uu maamulkiisu ka sameyn doono Caasimadda.

Duqa cusub ayaa ballanqaaday in uu xoogga saarayo ka shaqaynta iyo xoojinta arrimaha mudnaanta leh ee ay ugu horrayso sugidda amniga Caasimadda Muqdisho, caddaaladda iyo weliba la imaansho qorshe amni oo gobol, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha amniga qaranka

Sidoo kale ayuu tilmaamay in jidadka xiran la furi doono, si isku socodka dadka iyo gaadiidka Caasimaddu u sahlanaato, isla markaana inta uu xilka hayo aan muwaadin Soomaaliyeed xaqiisa la duudsiin doonin.

“Waxaan u caddaynayaa Bulshada Muqdisho inaan ugu shaqeyn doono si daacadnimo ah oo hufan, diyaar baan u ahay inaan idin kala shaqeeyo horumarinta Gobolka Banaadir. kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga, bilicda caasimadduna waxay ii leeyihiin mudnaan gaar ah”ayuu yiri, Guddoomiye ; Cumar Finish.

Mudane Cumar Filish ayaa xusay in dhaqaaluhu uu kamid yahay wax yaabaha mudnaanta u leh, isla markaana uu muhiimad siin doono Kobcinta dhaqalaaha caasimadda iyo abuuridda jawi iyo bii’ad soo jiidan karta maalgashiga dibadda iyo gudaha, Korna u qaadi doono bilicda Muqdisho, si ay ula tartanto caasimadaha kale ee adduunka.

Guddoomiyaha cusub ayaa sheegay in la sii xoojinayo bixinta, ballaarinta iyo dardargelinta adeegyada bulsho ee maamulka gobolka iyo caasimaddu ay siiyaan dadweynaha iyo muwaadiniinta ku nool, isla markaana canshuurta la qaado si hufnaan leh loo maareyn doono, iyadoo loo adeegsanayo baahiyuhu mudnaanta ay kala leeyihiin, meel adagna looga soo wada jeedsan doono musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, si loo ilaaliyo ammaanada ummadda

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay gacan ku siiyaan maamulkiisu sidii uu u gaari lahaa hadafkiisa ku qotoma baahida shacabka Muqdisho.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socday hay’adaha dawladda, diblumaasiyiin, saraakiil ciidan, odayaal dhaqan, qaar kamid ah Guddoomiyeyaashii hore ee Muqdisho iyo qeybaha bulshada kala duwan ee ku nool Caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...