Shir Lagu Taageerayo Dhaq-Dhaqaaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maamul U sameynta Galmudug oo Maanta Ka Dhacay Dhuusomareeb ‘Sawirro’

Date:

Dhuusomareeb (SNTV) Kulankan oo ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada ee ku dhaqan gudaha degmada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug ayaa maanta si buuxda loogu taageeray dadaalka iyo juhdiga ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ku bixinayso dardargelinta dhismaha maamul loo dhan yahay oo ay dadku soo doorteen ka hirgala guud ahaan gayiga gobollada iyo deegaannada Dawlad gobolleedka Galmudug.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug ayaa dhammaan dadkii ka qayb galay waxa ay bogaadiyeen islamarkaana ay soo dhoweeyeen dadaalka iyo dhaq-dhaqaaqa Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay dadku u helaan maamul ku yimid wadar oggol, cadaalad islamarkaana leh ay u dhan yihiin matalaadiisa dadka reer Galmudug

ka qeyb galayaasha shirkan ayaa u rajeeyay shirka maamul u sameeynta Galmudug ee haatan howshiisu ka socota gudaha magaalada Dhuusomareeb inuu noqdo mid najaxa oo wixii ka soo baxa uu noqdo maamul lagu diirsado una adeega dadywga ku dhaqan guud ahaan gobollada iyo deegaannada Galmudug ka kooban tahay, iyagoona ka digay in laga hortago cidkasta oo isku dayda in ay qas iyo jahawareer siyaasadeeysan ay ku abuuraan habsami usocodka shirkaasi.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay islamarkaana ka qayb galay bulshada rayidka waxaana loogu talo galay in ay dadka Galmudug ay ku muujiyaan baahi loo qabo in la horumariyo deegaannada Galmudug si ay ula jaan qaado dawlad gobolleedyada kale ee ka jira gudaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...