Maktabadda Qaranka Soomaaliyeed oo maanta u qeybisay Buugaag qaar kamid ah Maktabadaha magaalooyinka dalka “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV) Illaa shan kun oo buugaag ah kuwaasi oo isagu jirta Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare ayaa maanta ay maktabadda Qaranka Soomaaliyeed ku wareejisay ugu yaraan shan maktabadood oo ku kala yaala magaalooyin ay kamid yihiin Beled-weyne, Garoowe, Baydhabo, Guriceel iyo Luuq oo katirsan gobolka Gedo.

Wareejinta buugaagtan oo ka dhacday xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka, iyo Suugaanta Soomaaliyeed ahna hoyga faafinta hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiinta Maktabadda Qaranka, Hormuudka Machadka Afka iyo Dhaqanka iyo bahda qalin leeyda oo ay ugu horreeyaan shanta maktabadood oo ku guulleystay in loogu deeqo buugaagtani.

Agaasimaha Hormuudka Machadka Afka iyo Dhaqanka ee Akadeemiyada, Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed Prof. Maxamed Cilmi oo hadal kajeediyay ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta maktabadaha magaalooyinka dalka ay muhiimad gaar ah siiyaan gudbinta fariimaha Akhriska iyo qoraalka waxaana uu ugu baaqay in ay nidaam casri u bedelaan maktabadaha si ay ula jaanqaadaan maktabadaha caalamka.

Maktabadaha kuyaala magaalooyinka dalka ayaa ka shaqeeya dhiirigelinta akhrista buugaagta cilmiga waxaana ka shaqeeya dhalinyaro aqoonyahanno ah oo gacan ka siiya dadka sidii lagu gaarsiin lahaa buugaagta aqoon darsiga iyo cilmiga.

Buugaagta la qaybiyay ayaa ka kooban buugaag ay qoran yihiin Siyaasadda, Dhaqaalaha, Suugaanta iyo Dhaqanka.

“Waxaan ku guuleysanay inaan kor kala socono maktabadaha iyo daruufaha ay ku shaqeeyaan si aan ugala shaqeyno dhammeeytirka baahiyaha ay qabaan” sidaasi waxaa yiri Maxamed Axmed Shiil oo ah Agaasimaha Maktabadda Qaranka.

Qeybinta buugaagtan oo ay ka soo shaqeysay Maktabadda Qaranka Soomaaliyeed iyadoo la kaashanayso Maktabadda dalka Jordan ayaa waxaa ay qayb ka ah faafinta iyo dhiirigelinta Akhrista iyo qoraalka farta  Soomaaliga howshaasi oo ay qeyb weyn ku leedahay Maktabadda Qarankeena Soomaaliya.

Maktabadda Qaranka oo ah keyd taariikhda dalka ayaa dib loo howlgeliyay sanadkii 2012-kii, iyadoo xarunteedii hore dib loogu dhisay barnaamijka isxilqaan oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday.

Maktabadda ayaa dhowr jeer oo kala duwan u qeybisay buugaag muhiim ah oo ay ka faa’iideeysteen dugsiyada iyo jaamacado badan oo kuyaala dalkeena gobollada dalkeena Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...