Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS oo maanta xilka la wareegay

Date:

Kulan  uu xilka kula wareegayay Agaasimaha Guud  ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka XFS, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka kala socatay qaar ka mid ah Wasaaraddaha XFS  Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka iyo madax tirsan wasaaradda beeraha ee Dawladda Soomaaliya.

Agaasimahii hore wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Pro: Maxamuud Maxamed Maxamuud ayaa tilmaamay inuu la shaqeyn doono Agaasimaha Cusub ee wasaaradda ,waxaana uu alle uga baryay inuu u fududeeyo Xilka culus ee loo dhiibay.

W”aan soo dhawweynayaa in aan xilka ku wareejiyo walaalkeey aniga waxaan wasaarada ka shaqo bilaabay 82-dii welina waxaan diyaar u ahay in aan la sii shaqeeyo” ayuu yiri Pro: Maxamuud Maxamed Maxamuud

Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Pro: Nuur Yuusuf Nuur ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono Horumarinta Arrimaha Beeraha.

“Waxaan rabaa in ka codsado agaasimaheenii hore koleey Mas’uuliyada waad igu wareejisay ee maadaama aadan waayo aragnimadaada igu wareeji karin Cilmigaaga ha igala dheeraan”Ayuu yiri Pro: Nuur Yuusuf Nuur

Xildhibaan Sakariye xaaji Cabdi oo ah Gudoomiyaha Guddiga Beeraha ee golaha shacabka ayaa ugu baaqay masuuliyiinta wasaaradda in laga faa’iideysto khibradda uu leeyahay Agaasimaha xilka wareejiyay, dardaaranna u jeediyey maamulka cusub.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka  Soomaaliya Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid ayaa ugu hambalyeey Agaasimaha Guud Cusub ee Wasaaraddaasi xilka loo magcaabay waxaana uu urajeyay inuu kasoo bixi doono Howsha Culus ee loo dhiibay, sidoo kalena waxaa uu uga mahadceliyay shaqadii wanaagsaneed ee uu soo qabtay Agaasimahii Hore ee Wasaaraddaasi.

“Agaasimihii hore sida uu hada xilka u wareejiyay ayaa calaamad u ah qibradiisa waana ka sii faa’iideysan doonaa waayo aragnimadiisa, agaasimaha cusub waxa aan u rajeynayaa in uu ka soo dhalaali doono shaqadiisa” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa sara u qaadista wax soo saarka Beeraha dalka ,si looga kaaftoomo cunooyinka Dalka dibaddiisa ka yimaada,oo aan mararka qaar gaarsiisneyn heerkii loogu talagalay, dhinaca tayada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...