Madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay Cumar Filish Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka in uu sii dhammeystiro qorshayaashii horumarineed iyo waxqabadkii muuqday ee Guddoomiyihii hore, Alle ha u naxariistee, Shahiid Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow).

“Anigoo xeerinaya baahida loo qabo in guddoomiye uu yeesho Maamulka Gobolka Banaadir, si loo sii amba qaado qorsheyaashii horumarineed ee socday, sidoo kalena tixgelinaya soo jeedinta kala duwan iyo waayo-aragnimada uu Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu u leeyahay gudashada waajibadka xilkan ayaan ugu magacaabay.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeego bulshadeenna.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha ee maanta oo ay taariikhduna ku beegan tahay Khamiis, 22-ka Ogoosto, 2019.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...