R/wasaare Khayre Oo Dardaaran Iyo Dhiirigelin Ugu Tegay Ciidan Loo Diyaariyay Howl-galka Argagaxisada.

Date:

Muqdisho (SNTV) R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqasho ku tagay xerada Gen. Goordan, halkaasi oo uu uga qeyb galay af-meerka munaasabadda xeritaanka tababar ciidamo loogu talo galay la dagaalanka argagaxisada.

R/Wasaare Kheyre ayaa ujeediyay ciidamada tababarka loo soo xeray khudbad qiimo badan oo isagu jirtay dar-daaran, dhiirigelin iyo bogaadin kuwajahan horumarinta amniga iyo sida ay uga qayb qaataan xasiloonida iyo dardaar ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballanqaaday in xaquuqda ay ciidanku leeyihiin loo dhammeystirayo, isagoo uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uusheegay in ay si joogta ah u wadaan howlgal lagula dagaalamayo cadowga argagaxisada si loo xoreeyo deegaanno badan

Ciidanka oo loo soo gebegebeeyay tababar ayaa qayb ka noqonaya ciidamo horey u helay tababaro kana qeyb qaatay dib u xoreeynta deegaanno badan halkaasi oo noloshu dib loogu soo celiyay kadib markii laga xoreeyay maleeshiyada arxanka daran ee argagaxisada Al-Shabaab kuwaasi oo inta badan tacadiyo insaani ah u geysta shacabkeena Soomaaliyeed.

Ciidamadan ayaa waxa loo diyaariyay howl- gal ka dhan ah argagaxisada kaasi oo looga saarayo deegaannada ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Xerada Gen. Gordan ee lagu tababay ciidamadaan ayaa waxaa horey uga qalin jebiyay dufcado badan oo maanta ka tirsan ciidanka xoogga dalka kuwaasi oo ka qayb qaatay howlgallo horey looga xoreeyay magaallooyin badan oo ay horey u joogi jirtay argagaxisada, balse kadib markii laga saaray argagaxisada ay deegaanadu maanta ku naaloonayaan is-dhexgal bulsho iyo dhaqan wanaagsan oo yimid kadib howlgalka ciidamada qaranka Soomaaliya oo kaashanaya wadashaqeeynta suuban ee bulshada si loo horumariyo xasiloonida iyo amniga guud ee deegaannadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...