R/Wasaare Kheyre Oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Dardar-gelinta Qorsha Deyn Cafinta Dalka.

Date:

Muqdisho (SNTV) R/Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirkii todobaadlaha ahaa oo looga hadlo dar-dargelinta qorshaha barnaamijka deyn cafinta dalka.

Shirkan oo ka dhacay xafiiska wasaaradda maaliyadda oo ay ka qayb galeen Wasiiru-dowladaha wasaaradda maaliyada, Agaasimaha Guud, Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji iyo Agaasimayaasha waaxyaha ay Wasaaradda maaliyadda ka kooban tahay.

R/Wasaare Kheyre ayaa ugu horeyn dhageystay xog ku wajahan heerarka kala duwan ee la soo maray, meesha hadda uu marayo qorsha cafinta deymaha.

Intii uu socday waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay guulaha la gaaray, sida ugu habboon ee dowladda federaalku uga soo bixi karto shuruudaha ku xiran wareega 4-aad ee qorshaha deynta Cafinta (SPM4) iyo heshiiyada ay wada gaareen dowladda iyo hey’adaha lacagta adduunka iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah deynta cafinta ee la doonayo in baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyo.

R/Wasaaraha ayaa faray wasaaradda maaliyadda, hey’adaha ku lug leh qorshaha deyn cafinta iyo guddigii loo xil saaray dhammeynta qorshaha dalka ee deyn cafinta in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan buuxinta shuruudaha, si loogu guuleysto himilooyinka la higsanayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan shurudihihii ku xirnaa SMP1, SM2 iyo SMP3, waxaana dhammaan hey’adaha maaliyadda dunida iyo wadamada deymaha ku leh Soomaaliya ay ammaaneen sida dowladda ay uga go’antahay ka mira dhalinta qorshaha deyn cafinta dalka oo soo gaaray heer aad u wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...