Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Oo Ku Fullisay Xukun dil labo ka tirsanaa Nabad-diidka Argagaxisada Al-Shabaab.

Date:

Muqdisho (SNTV) Labada qof ay maxkamaddu ku xukuntay toogashada ayaa horay uga tirsanaa Kooxda Al Shabaab waxaana lagu eedeeyay in ay dilal iyo qaraxyo ka geysteen magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad badan oo Soomaaliyeed.

Heerarka kala duwan ee maxkamadaha Ciidanka Qalabka sida ayaa marsiihoreysay xukuno dil ah ugu ku ridday iyadoo aroornimadii Saakay lagu fuliyay toogashada oo ka dhacday Fagaaraha Cadaaladda ee Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa 20-kii bisha May ee sanadkan 2019-ka ku ridday Xukun qasaas ah labada eedeeysane oo ka tirsanaa maleeshiyada nabad diidka ee argagaxisada ee Alshabaab iyagoo horey racfaan uga qaatay xukunkii Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida kaasi oo kuwa jahnaa xukunka toogashada.

Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) ina Faadumo Aadan Cismaan 23jir ah ku dhashay Sh/Dhexe iyo Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) ina Xaawo Cawil Mursal 25 jir ah ku dhashay Gobolka Bay , kuwaasi oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida uu ku soo eedeeyay Dembiyada kala ah: ka mid noqosho Urur hubeysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis), Dil bareer ah iyo Xasuuq dad shacab ah, eedaysanayaasha waxaa lagu eedeeyay inay fulliyeen falalka soo socda:-

15/08/2017, waxay weerar ku qaadeen gaari ay saarnaayeen hal Qoys waxaana ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad .

27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degmada X/weyne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2-da Marxuum ee kala ah 1)Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka  2) Marxuum Axmed Jaamac Xirsi, weerarkaasi oo sababay geerida labada marxuum.

09/11/2018, waxay qayb ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday Hotel Sahafi, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux.

Sidoo kale 22/12/2018 waxay ahaayeen abaabulayaashii labadii qarax ee ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo Daljirka Dahsoon, oo ay ku geeriyoodeen 27ruux.

Markii ay taariikhdu ahayd 20/03/2019 waxay maxkamada ciidamada qalabka sida ku xukuntay dil toogasho ah.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 05/08/2019 ayaa waxaa lagu fulliyay xukunkii dilka ahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...