Wasiir Sadiiq Warfaa oo wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ku qaabilay Safiirka dowladda Turkiga

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Isniinta maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiga Soomaaliya, mudane Mehmet Yılmaz.

Wasiir Sadiiq Warfaa oo uu waheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda iyo xubno kale oo wasaaradda ka tirsan ayaa wada-hadal la yeeshay safiirka dowladda Turkiga,ayada oo wada-hadallada diiradda lagu saaray heshiiskii is afgaradka ahaa ee u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Turkiga.

Is-afgaradka ayaa dhigayay in labada dal ay iska kaashadaan horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada dhallinyarada.”Aad ayaan ugu faraxsanahay safiirka inuu halkan wasaaradda nagu soo booqdo oo uu arko shaqada ka socota wasaaradda oo muhiimad weyn u leh dalka.” ayuu yiri wasiir Sadiiq.Wasiirka ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay safiirka dowladda Turkiga dedaalada socda ee la xiriira harumarinta shaqaalaha ,taaso uu sheegay in lagu gaarayo helista shaqaalo xirfad wanagsan u leh howl fulinta qaranka,waxaana uu boggaadiyay garab istaaga dowladda iyo bulshada Turkiga ee Soomaaliya, isagoo marka sheegay inay dowladda Soomaaliya ka go’antahay xiriirka wanagsan ee labada dal in ay uga faa’iideysato sidii dalka uu mar kale usoo kaban lahaa.

“Farriinta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ee an ku howlgalno ayaa ah in qarankan loogu shaqeeyo sidii uu mar kale cagihiisa ugu istaagi lahaa, Turkigana wuxuu ka mid yahay walaalaha garab istaaga muuqda siiyay Soomaaliya xilliga ay u baahneyd.” ayuu ku daray wasiir Sadiiq.

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiga Soomaaliya, mudane Mehmet Yılmaz ayaa dhankiisa caddeeyay dowladda Turkiga inay saxiixday heshiiska is afgaradka oo marka uu ka soo dhammaado dhinaca dowladda Soomaaliya la guda-gali doono fulintiisa, waxa uu inta ku daray dowladda Turkiga inay dedaal badan galinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada, arrimahaa oo uu sheegay inay xoojinayaan dedaalada dib u soo kabashada ee Soomaaliya.

Ambassador,Mehmet Yılmaz  ayaa sidoo kale ku dhiirrigaliyay wasiirka iyo howl-wadeennada kale ee wasaaradda howlaha ay u hayaan dalka, wuxuuna marka u xaqiijiyay Turkiga inuu garab taaganyahay bulshada iyo dowladda Soomaaliyeed.

Wada-hadallada ayaa marka ay soo dhammaadeen , waxaa wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo safiirka dowladda Turkiga ay si wadajir ah u kormeereen qeybaha ay ka koobantahay wasaaradda,waxaana dhismayaasha qaar laga arkayay raadadkii ay ku reebeen weerar argagixiso oo wasaaradda ka dhacay dabayaaqadii bishii Maarso,waxaana wasiirka uu u caddeeyay safiirka inaysan ku niyad-jabin oo si isxilqaan ah ku dhiseen qeybo muhiim ah u ah wasaaradda,howlaheedinna ay si joogta ah u socdaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...