Guddoomiye Mursal oo kormeerey xarunta KMG cusub ee Golaha Shacabka

Date:

Muqdisho (SNTV)- Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka,Xildhibaano iyo Xoghayaha guud ee golaha iyo sidoo kale Safiirka Dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kormeeray Xarunta kmg ah ee Golaha shacabka ee dhawaan dhismahaheeda laga hir geliyay Xarunta guddoonka iyo gudiyada ee Villa Hargeysa.

Xubnaha guddoonka golaha Shacabka iyo Safiirka ayaa qeyb qeyb u kormeeray qeybaha ay xarunta ka koobantahay gaar ahaan hoolka ay ka dhici doonaan kulamada guud ee golaha iyo xafiisyada,waxaana xaruntan Oo ay dhistay shirkadda TIKA ay noqon doontaa mid si kmg ah uu goluhu ugu howlgalo  inta laga dhisaayo guriga Umadda oo dhawaan dib u dhis balaaran uu ka bilaaban doono.

Intaasi ka dib waxa ay yeesheen kulan looga hadlayay xoojinta iyo iskaashiga xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga gaar ahaan dar dar gelinta mashaariicda Walaalaha turkiga uu soomaaliya ku taageeraayo iyo sidoo kale ka taageerida golaha shacabka ee dhinaca sharci dejinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Qaabilaadihii dublumaasiyiinta iyo Difaaca Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...