Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Qaatay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Maalamaha Xorriyadda Iyo Midnimada

Date:

Muqdisho (SNTV)–Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaaradda warfaafinta kula kulmay guddiga abaabulka xuska munaasabadda maalmaha Xorriyadda iyo midnimada ee 26 June iyo July 01.

Guddooomiyaha guddiga ahna wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliye, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in shirkooda looga hadlay dardar-gelinta qorshaha u diyaar garowga xuska maalmahaan muhiimka u ah dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, ayna Ra’iisul Wasaaraha u soo bandhigeen qorshahooda waynaynta munaasabadda oo wax badan ka duwan hannaankii loo qaban jiray sannaddihii hore.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in guddigu ay shaqo wanaagsan qabteen wixii ka dambeeyay maalintii uu Ra’iisul wasaaruhu u magacaabay ka shaqaynta xuska sannad guurada 59-aad ee xornimada dalka, sannadkaanna xuska lagu qaban doono gooba kala duwan .

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bogaadiyay qorshaha guddiga ayaa kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan in munaasabadda xusku ay ku dhacdo qaabka ugu wanaagsan ee loo wayneyn karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa June 09, 2019 magacaabay guddiga qaban qaabada xuska sannad guurada 59-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya oo ka kooban wasiirrada Warfaafinta, Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga Gudaha, Dhallinyarada & Ciyaaraha, Haweenka, Iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Agaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka Baarlamaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...