Horjoogihii Al Shabaab ee degmada Cadale oo la dilay

Date:

Muqdisho (SNTV) Horjoogihii Kooxda Al Shabaab ee Degmadda Cadale ee Gobolka Sh/dhexe ayaa lagu dilay deegaanka Xagarey oo 40 KM u jirta Degmadaas.

Ninka ayaa waxaa lagu dilay howlgal ay halkaas ka fuliyeen Ciidanka Macawiisleyda oo dagaal kula jira Al Shabaab shalay galinkii danbe.

Taliyaha Jabhadda Macawiisleyda Axmed Dhagey ayaa Radio Muqdisho u sheegay in sidoo kale howlgalka ku jileen Seddex dagaalame kadib weerar gaatin ah oo ay ku qaadeen deegaanka Xagarey oo Maleeshiyada Al Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen.

Horjoogaha la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Macalin Caadey,sidoo kale wararku waxaa xiliga la dilayey la joogay isna ku xigeenkiisii oo dhaawac dhanka duurka ugu baxsaday

Sidoo kale waxaa Ciidanka Macawiisleyda howlgalkaas Al Shabaab kaga soo furteen qoryo iyo rasaastii ay heysteen.

Deegaanka lagu magacaabo Xagarey oo hoos yimaada degmadqa Cadale ayaa waxaa halkaas xarun kula lahaa Al Shabaab iyadoona Weerarka lagu qaaday gabi ahaanba lagu soo burburiyey xaruntii ay halkaas ku lahaayeen.

“Shalay galinkii danbe abaaro 5:00-kii ayaan weerar gaadmo ah ku qaadnay deegaanka Xagarey oo xarun ah Al Shabaab waxaana halkaas ku dilnay ninkii u qaabilsanaa Cadale iyo Seddex kale oo la socotay, waxaa isoo suurto gashay in aan kasoo furano quri AK47 AH iyo Rasaas badan, waxaan helnay xog u saabsan in halkaas ku dhibaateen dadka shacabka ah, Allah mahadii dhankeena wax na soo gaaray majiro” sidaas waxaa Radio Muqdisho u sheegay Axmed Dhagey oo ah Taliyaha Macawiisleyda Al Shabaab dagaalka kula jira ee ka dagaalama qeybo kamid ah Gobolka Sh/dhexe

Macawiisleyda ayaa waxaa garab siiya Ciidanka Xoogga dalka iyo dadka shacabka ah kuwaasoo ku dhiiro galiya inay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab oo dadka Soomaaliyeed ku haya dhibaato badan oo dhinac kasta leh.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...