Horjoogihii Al Shabaab ee degmada Cadale oo la dilay

Date:

Muqdisho (SNTV) Horjoogihii Kooxda Al Shabaab ee Degmadda Cadale ee Gobolka Sh/dhexe ayaa lagu dilay deegaanka Xagarey oo 40 KM u jirta Degmadaas.

Ninka ayaa waxaa lagu dilay howlgal ay halkaas ka fuliyeen Ciidanka Macawiisleyda oo dagaal kula jira Al Shabaab shalay galinkii danbe.

Taliyaha Jabhadda Macawiisleyda Axmed Dhagey ayaa Radio Muqdisho u sheegay in sidoo kale howlgalka ku jileen Seddex dagaalame kadib weerar gaatin ah oo ay ku qaadeen deegaanka Xagarey oo Maleeshiyada Al Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen.

Horjoogaha la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Macalin Caadey,sidoo kale wararku waxaa xiliga la dilayey la joogay isna ku xigeenkiisii oo dhaawac dhanka duurka ugu baxsaday

Sidoo kale waxaa Ciidanka Macawiisleyda howlgalkaas Al Shabaab kaga soo furteen qoryo iyo rasaastii ay heysteen.

Deegaanka lagu magacaabo Xagarey oo hoos yimaada degmadqa Cadale ayaa waxaa halkaas xarun kula lahaa Al Shabaab iyadoona Weerarka lagu qaaday gabi ahaanba lagu soo burburiyey xaruntii ay halkaas ku lahaayeen.

“Shalay galinkii danbe abaaro 5:00-kii ayaan weerar gaadmo ah ku qaadnay deegaanka Xagarey oo xarun ah Al Shabaab waxaana halkaas ku dilnay ninkii u qaabilsanaa Cadale iyo Seddex kale oo la socotay, waxaa isoo suurto gashay in aan kasoo furano quri AK47 AH iyo Rasaas badan, waxaan helnay xog u saabsan in halkaas ku dhibaateen dadka shacabka ah, Allah mahadii dhankeena wax na soo gaaray majiro” sidaas waxaa Radio Muqdisho u sheegay Axmed Dhagey oo ah Taliyaha Macawiisleyda Al Shabaab dagaalka kula jira ee ka dagaalama qeybo kamid ah Gobolka Sh/dhexe

Macawiisleyda ayaa waxaa garab siiya Ciidanka Xoogga dalka iyo dadka shacabka ah kuwaasoo ku dhiiro galiya inay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab oo dadka Soomaaliyeed ku haya dhibaato badan oo dhinac kasta leh.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...