Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay kulan looga Hadlay Amniga Caasimadda Ee Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay amniga caasimadda oo lagu qabtay taliska qaybta guud ee Booliiska gobalka Banaadir.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen wasiirka amniga gudaha, guddoomiyaha gobalka Banaadir, taliyaasha ciidanka iyo khuburo amni ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta iyo ka mira dhalinta qorshaha sugidda amniga dalka gaar ahaan amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa warbixin iyo talooyin ka dhagaystay khuburada loo xil saaray aruurinta xogaha amni ee ay soo gudbiyaan laamaha amniga, waxa uuna ku ammaanay hay’adaha amniga dadaalka ballaaran ee ay ugu jiraan badbaadina nafta iyo hantida mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu dambeeyntii kula dardaarmay madaxdii ka soo qayb gashay kulanka in ay sii laba laabaan dadaalladooda ku aadan xasilinta magaalada Muqdisho si ay muwaadiniinta kunool uhelaan nabad iyo amni buuxa.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...