Maamulka degmada Kaxda oo sheegay in ay meel wanaagsan marayaan hawlaha afurinta Danyarta

Date:

Maamulka degmada kaxda ee gobalka banaadir aya faahfaahiyey howlaha lagu afurinayo dadka danyarta ee ku dhaqan degmadda xilli lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Gudoomiyaha degmada Kaxda ee Maamulka Gobolka Banaadir  Max’ed Ismaaciil oo la Hadley warbaahinta ayaa Sheegey iney Meel wanaagsan Marayaan howlaha lagu afurinayo dadka danyarta ee ku dhaqan degmada isagoo sheeegey ineysan ku filneyn deeqaha soo gaarey degmada iyo baahiyaha dadka ay qabaaa.

Max’ed Ismaaciil ayaa sheegey in hada deeqahan ay ka faaideysteen dad badan oo danyar oo ku  dhaqan degmada isagoona u mahadceliyey dhamaan hay’adaha iyo shaqsiyaadka arimahaasi Dadka danyarta ah ka caawiyey.

Dhankale gudoomiyaha degamada kaxda Max’ed ismaaciil ayaa sheegey intii la guda galey Bisha Ramadaan ay ka socdaan degamada barnaamijka isxilqaan ee uu madaxweynaha Iclaamiyey laguna dhisayo xarumaha danta guud isagoona sheegey in arintaa ay ku dhisayaan hada ilaa iyo 7wado oo degmada gudaheeda ah iyo goobaha kale ee danta guud.

Ugu dambeyn maamulka degmada kaxda ayaa ugu baaqey dhammaan qeybaha bulshada iyo jaaliyada kasoo jeeda degmada iney kaalintooda ay ka qaataan waxkasta oo horumarin iyo amni ee degmada ku saabsan isagoona sheegey in Shacabka muhiimada ay siyaan sidii canshuurta ay u bixin lahaayeen.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...