Wasaaraddda Waxbarashada oo joojisay Imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare dalka

Date:

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa caawa ku dhawaaqay in Wasaaraddu ay joojisay gebi ahaanba imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare dalka oo maalmahan ay Wasaaradda ka qaadaysay ardayda dugsiyada sare ee dalka.

Wasiirka oo caawa Warbaahinta Qaranka kala hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in wixii hada ka dambeeya la joojiyay imtixaankii socday, isla markaana la baabi’iyay dhamaan maadooyinkii ay ardayda saddexda maalin ee la soo dhaafay galeen.

Wasiir goodax ayaa xusay in laamaha ammaanku ay baaritaan ku sameyn doonaan dad la sheegay inay qish bixiyeen oo imtixaanka ku saabsan, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoosta ka xariiqay in timxaanka 27-ka bishan May dib loo qaadi doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Magaalada Muqdisho waxay maanta qortay taariikh baal dahab ah...