Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa todobaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Shangaani iyo C/casiis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Shangaani iyo C/casiis ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.
Markii ay soo idlaatay suโaalihii min afarta ahaa ee la weydiiyay labada tartame, caawa ma jirin suโaalihii dadweynaha ee dhextaalka ahaa.
Shangaani
Tartameyaasha Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Suโaal, todobadii suโaal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeenย shanย suโaal, iyagoo iska qaldayย laboย suโaal, mana jirin wax ka faaโiideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Shangaani ay heleen waxay noqotay toban (10) dhibcood.
C/casiis
Tartamayaasha Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโaal, waxa ay ka jawaabeenย Afarย suโaal, iyagoo iska qaldayย saddexย suโaal, mana jirin wax ka faaโiideysi ah oo ay helen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada C/casiis waxay noqotayย sideedย (8) dhibcood.
Hadaba kulankiiย 7aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenkaย 8aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Marka iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir.