Arbaco, May 01, 2019โRaโiisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo maanta ka qayb galay munaasabadda xuska maalinta Shaqaalaha adduunka ee 1da May ayaa hambalyo u diray dhammaan shaqaallaha Soomaaliyeed.
Khudbad uu Raโiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ka jeediyay munaasabadda dabbaal degga oo Muqdisho lagu qabtay ayuu uga hadlay sida dawladdu ay muhiimad gaar ah u siiso xuquuqda shaqaallaha dawladda iyo dowrka shaqaaluhu ay ku leeyihiin horumarinta dalka.
Raโiisul Wasaaraha ayaa sidoo kale hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka oo maanta kooxda Shabaab kala wareegay deegaanka Bariirre ee gobalka Shabeellada Hoose.
Raโiisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in maadaama ay dowladdu ku guulaysatay in aan laga walwalin xuquuqda shaqaalaha in ay muhiim tahay in laga farako qorshayaal ballaaran oo ay kamid tahay in la sameeyo shaqo abuur ballaaran si loola dagaalo shaqa laโaanta baahsan, isaga oo shaqaalaha dawladda kula dardaarmay in ay qaybta uga aadan ka qaataan horumarinta iyo dadaallada dib u soo kabashada dalka.



