Duqa Muqdisho oo amray in lagu banneeyo muddo labo asbuuc ah Machadka Boostada iyo Isgaarsiinta

Date:

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta amray in muddo labo asbuuc ah lagu banneeyo Machadka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ku yaalla degmada Shibis, si dib loogu dhiso, looguna adeeggo bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in horey digniino loogu diray dadka dagan xarunta Machadka, iyadoo la farayo in muddada labada todobaad ah ee loo qabtay lagu banneeyo, maadaama ay Wasaaradda Boostadu u baahan tahay, looguna shaqeynayo Qaranka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in la gaaray waqtigii horumarinta bilicda Caasimadda, bulshadana looga baahan yahay in ay qaataan doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka, isagoo xusay in xaruntan ay soo saari jirtay aqoonyahanada Isgaarsiinta Soomaaliyeed, xiligan oo dalku dib u soo kabanayana ay lagama maarmaan tahay in dib loo dhiso goobihii xirfadaha kala duwan lagu baran jiray.

“Soomaaliya maanta waxay joogtaa waqtigii isla xisaabtanka, bacdamaa aan doonayo in Caasimadda loo soo celiyo bilicdeeda iyo sidii bari-samaadkii ahaan jirtey, waxaa waajib naga wada saaran dib-u-dhiska xarumaha danta guud, si bulshada loogu adeego, qofna loogu dulqaadan doono in goobihii danta guud uu deegaan gaar u ah ka dhigto”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo weheliyo Wasiirkaa Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa kormeeray xarunta Machadka, waxana ay sheegeen in dhowaan dib loo dhisayo xarunta

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...