Horjoogeyaal katirsanaa Al-shabaab oo Dowlada isku soo dhiibay

Date:

Horjoogeyaal sare oo ka tiran kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidammada dowladda ee ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo

Labadaan horjooge ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Cabdi Maxamed (Aadan Coobbe) iyo Food Aadan Maxamuud.

Ilo wareedyo laga soo xigtay saraakiisha ciidammada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in sababaha soo goosashadoodu ay qeyb weyn aheyd duqeymo culus oo muddooyinkii la soo dhaafay lagu beegsanayey saldhigyada Al-shabaab ay gabbaadka ka dhigaan ee ku yaalla dhulka Keymaha gobollada Dalka.

Raggaan ayaa waxay qeyb ka ahaayeen horjoogayaasha qarsoon  ee tallada  kooxda wax ka gooynayay , taas oo ka dhigan  farriin kale oo muujineysa in ay sii burburayaan argagixisada Al-shabaab.

Labada nin ayaa waxay la socdeen gaari Suzuki ah oo ay kaga soo baxeen magaalada Bu’aale, iyagoo  ku soo galay tuulada lagu magacaabo Tubaako oo Koonfur ka xigta magaalada Baardheere.

Aadan Coobe ayaa xilaal kala duwan kasoo qabtay  kooxda Al-Shabaab,Iyadoo ay jagooyinkaas ka mid ahayeen  xubin u ka ahaa  Golaha Shuurada waxaa uu umatali jiray  gobolka Jubbada Hoose,sidoo kale Aadan Coobe ayaa hore u soo noqday Madaxa Qeybta Saadka Al-shabaab u qaabilsanaa  gobolka Jubbada Hoose.

Labadaan horjooge oo ku jira gacanta dowladda ayaa lagu hayaa goob nabdoon, saddexdii bilood ee la soo dhaafay Al-shabaab waxaa ka soo goostay ilaa tobaneeyo horjoogeyaal ah iyo boqllaal malleeshiyaad ah, oo u adkeysan waaye cadaadista dagaal ee ciidammada dowladda iyo duqeymaha diyaaraha Mareykanka ee lagu baacsanayo kooxahan argagixisada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...