Duqa Muqdisho oo Midowga Afrika kala hadlay Amniga Caasimadda iyo Howlgallada labada Shabelle “SAWIRRO”

Date:

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha iyo Saraakiisha ka scotay Midowga waxay isla falanqeeyeen muhiimadda uu amniga Caasimaddu u leeyahay xasilloonida dalka, iyagoo isku raacay in la dardargeliyo howlgallada Gobollada Shabellaha Hoose iyo Shebellaha dhexe looga sifeynayo kooxaha argagixisada, taasoo muhiim u ah amniga Caasimadda.

Eng.Yarisow ayaa tilmamay in saraakiisha Midowga Afrika ay isku af garteen in la sameeyo guddi farsamo oo ka socda labada dhinac, kuwaasoo ka wada shaqaynaya qorshaha Amniga Caasimadda.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka shaqeynayaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ee Caasimadda,si wadajir loogu fal-galo maadaama amnigu uu yahay mid dhinacyo badan quseeya, iyadoona aan kaashaneyno dhammaan dhammaan laamaha amniga ku shaqada leh.”

Saraakiisha ka socotay Midowga AfrIka ayaa uga mahadceliyey Maamulka gobolka Banaadir dadaalada xasilloonida loogu soo dabaalayo Caasimadda, iyagoo xusay in ay ka go’an tahay sidii guud ahaan dalka Amnigiisa loo xaqiijin lahaa.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howllan sidii loo dardargelin lahaa amniga Caasimadda, si bulshada ku nool Muqdisho Xasillooni u helaan, isla markaana looga hortago falalka ay kooxaha argagixisadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...