Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Xog-hayaha Joogtada Ah Ee Waaxda Horumarinta Caalamiga Ah Ee Ingiriiska

Date:

Washington (SNTV):- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington kula kulmay xog-hayaha Joogtada ah ee waaxda horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska (DFID), Matthew Rycroft.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee qaranka Soomaaliyeed iyada oo loo marayo Tubaha Qaranka ee lagu jaan-gooyay wax-qabadka dawladda.

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo xog-hayaha Joogtada ah ee waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska ayaa qayb ka ah shirar uu Ra’iisul wasaaruhu Washington kula yeelanayay mas’uuliyiin ka socdo dawlado iyo hay’ado caalami ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...