Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka.

Date:

Khamiis , April 11, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ee maalmahaan ku sugnaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa kulan la qaatay madaxa hay’adda lacagta adduunka (IMF), Cristine Lagarde.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Cristine Lagarde ayaa kulankooda iskula soo qaaday horumarrada ay Soomaaliya ka sameysay dhanka hagaajinta nidaamka maaliyadda iyo xaqiijinta himilooyinka lagu gaari karo in Soomaaliya deynta laga cafiyo.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Maaliyadda iyo Qorsheynta, Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Hanti dhowrka Qaranka iyo xubno kale ayaa sidoo kale kulamo isdaba joog ah la yeelanaya hay’addaha maaliyadda dunida ee ku kulansan shir sannadeedka Guga oo ah mid ay si wadajir ah u qabtaan Bangiga aduunka iyo hay’adda lacagta aduunka (IMF).

Wasiirka Qorsheyta iyo maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xassan, ayaa sheegay in dhammaan shirarkii ay yeesheen laga gaaray isfahan ku saleysan in Soomaaliya ay ka soo baxday shuruudihii deyn cafinta, dhawaanna la filayo in go’aanno laga soo saaro.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa Washington waxa uu sidoo kale kulamo la qaatay guddoomiye ku-xigeenka bangiga adduunka, Xafiz Ghanim iyo guddoomiyaha Cusub ee Bangiga adduunka, David Malpas.

Sidoo Kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa aqalka cad kula kulmay la taliyaha difaaca ee Madaxweynaha Mareykanka, John Bolton, kaas oo ugu hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha horumaradda ay Soomaaliya ka gaartay hagaajinta maaliyada, sidoo kalana u sheegay in ay dowladda Mareykanku sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada iyo xasiloonida Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...