Shirkii u dhexeeyay Hayโ€™adaha Dastuurka Dalka ee Kismaayo oo War-murtiyeed laga soo saaray

Date:

kismaayo (SNTV):-Shirkii u dhexeeyay Hayโ€™adaha Dastuurka heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Waxaa shirka laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 7 Qodob ,hadaba Halka Hoose ka Akhriso:-

Shir Wadatashi ah oo socdayย  muddadii u dhexeysay 7 ilaa 9 Abriil 2019, laguna qabtay Magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa waxaa isugu yimid Hayโ€™adaha Dastuurka ee heer Federaal iyo heer Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka oo ka kooban Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga Dib-u-eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddoonnada Baarlamaannada DXF, Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka DXF, Guddiyada Dastuurka Baarlamaannada DXF iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirka waxaa furey Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan. Waxaa shirka lagu soo bandhigay loogana doodey cutubyada 1aad ilaa 9aad ee dib u eegista lagu sameeyey.

Haddaba dood iyo falanqayn dheer ka dib, shirka waxaa soo baxay qodobada soo socda:

1) Shirka waxa uu bogaadiyey soona dhaweeyay horumarka laga gaaray Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka KMG.

2) Shirku wuxuu isku raacey fulinta qorshaha latashiyada iyo wacyigalinta dadwaynaha iyo taariikhaha laqabanayo ee ku aadan cutubyada 1aad โ€“ 9aad ee dib-u-eegista lagu sameeyay.

3) Shirku wuxuu isku raacay in si wadajir ah dhaqaale loogu raadiyo la-tashiyada iyo wacyigelinta dadweynaha si muwaadin kasta oo Soomaali ah fursad ugu helo ka qaybqaadashada Dib-u-Eegista Dastuurka.

4) Shirka waxa uu dalbanayaa in si deg-deg ah loo hawlgaliyo Ergadii Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka u soo magacaabeen ka mid noqoshada Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

5) Shirku wuxuu ugu baaqayaa Xukuumadaha Federalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka inay heshiis deg-deg ah ka gaaran qodobada u baahan wada-xaajoodka siyaasadeed sida qodobada 54aad iyo 122aad si looga hortago dib-u-dhac ku yimaada dhameystirkaย  Dib-u-eegista Dastuurka.

6) Shirku wuxuu dhiiri-gelinayaa sii-xoojinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga Hayโ€™adaha Dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

7) Ugu danbeyn, shirku wuxuu mahadnaq weyn u jeedinayaaย  Dawladda iyo Shacabka Jubbaland soo dhaweynta iyo martigelinta Shirka. Waxaa sidoo kale loo mahadnaqayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, dowladaha, Hayโ€™addaha Max Planck, UNDPย  iyo hayโ€™adaha kale ee caalamiga taageeradooda ku aadan dib-ueegista dastuurkaย  iyo dhameystirkiisa.

-Dhammaad-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...