Shir Madaxeedka Carabta oo ka furmay magaalada Tunis ee dalka Tunisia

Date:

Muqdisho (SNTV):– Shir madaxeedka Carabta ee caadiga ah meertadiisa soddonaad ayaa maanta ka furmay magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia,waxaana ka qeyb galaya Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda Wadamada Carbeed.

Dhowr madaxweyne iyo Wafdi ka socda dalalka Carabta ayaa goorsii horeysay oo maanta gaaray magaalada Tunis,si ay uga qeub galaan shirka,waxaana ka mid ah madaxweynayaasha dalalka Lubnaan,Michel Aoun,Yemen Abd Rabbo Mansour Hadi, madaxweynaha Ciraaq Barham Saleh iyo Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah,sidoo kale madasha shirka waxaa ku sugan, madaxa Golaha sare Imaaraadka Carabta Sheikh Hamad bin Mohammed al-Sharqo,Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Antonio Guterres, iyo Madax kale oo aad u fara badan.

Shirkan ayaa mudada uu socdo waxaa diirada  lagu saarayaa dhowr arrimood oo ay ku jiraan arrinta Falastiin, dhibaatooyinka Yemen, Suuriya, Liibiya iyo sidoo kale taageeridda Soomaaliya.

Waxaana Soomaaliya shirkaas uga qeyb galaya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad oo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed waxa ay soo gabagabeeyeen kulankooda gogol xaarka ah ee Shir madaxeedka shalay oo Sabti ahayd (30 Maarso) iyagoo isla qaatay adkaynta madax banaanida Suuriya ee dhulka buuralayda Goolan, halkaasi oo Wasiir Axmed Cawad uu ka sheegay in Soomaaliya si dhammeystiran u xushmeyneyso midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulanka kooxda farsamada ee xargaha Badda hoosteeda mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray bandhigyada ay Hobollada Waabari u diyaarinayaan maalmaha Xorriyadda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax...

Guddoonka Labada Aqal ee BFS oo kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Ciidanka Booliiska oo wada Hawlgallo Lagu Ciribtirayo Anshax-xumada iyo Falalka Lidka ku ah Dhaqanka

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa...