Duqa Muqdisho oo Daah Furay Mashruuca Dhismaha Waddooyinka Xaafadaha

Date:

Muqdisho (SNTV)-Duqa Muqdisho ahna Guddomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Daah furay mashruuca waddooyinka xaafadaha (dhagaxa inter log) oo laga hirgelinayo 17 Degmo ee Gobolka Banaadir.

Daah furka mashruucan ayaa ka bilowday Degmada Xamar-JaJab, gaar ahaan waaxda Gaheyr, iyadoo ujeedku yahay in guud ahaan xaafadaha Caasimadda laga hirgeliyo si kor loogu qaado nadaafadda iyo bilicda Caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in tallabadani ay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Maamulka Gobalka Banaadir uu ugu talagalay in 17-ka Degmo looga hirgeliyo dhismaha waddooyinka Xaafadaha, isla-markaana Xamarjabjab ay maanta nasiib u yeelatay in lagu bilaabo barnaamijkaan.

Eng. Yarisow ayaa ku booriyay dadweynaha Caasimadda in ay u istaagaan dib u dhiska dalkooda, si loo soo celiyo bilicdii ay Caasimaddu caanka ku ahayd, isagoo uga mahadceliyey Dawladdaha iyo Hay’adaha gacanta ka geysanaya hirgelinta mashruucan.

Sidoo kale, munaasabadda dhagax-dhigga waddada waxaa hadallo ka jeediyay Guddomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobalka, Xaghayaha Guud ee Maamulka iyo Guddoomiyaha Degmada X/Jajab, iyagoo xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dhismaha waddadaan bulshada ku nool Dagmada Xamar-jabjab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Ku-simaha Safiirka Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin ee magaalada Beledweyne

Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo xaqiijiyey hawgalo lagu dilay horjoogeyaal khatar badnaa

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim...