Guddoonka Golaha Shacabka oo Xildhibaanada ugu baaqay iney ilaaliyaan waqtiga Kulamada Golaha

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ayaa Xildhibaanada ugu baaqay inay ilaaliyaan waqtiga kulamada Golaha Shacabka, kadib markii maanta uu u baaqday Kooram laโ€™aan kulankii Golaha.

Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta la filayey in kulankooda ugu horeeya ee Kalfadhiga 5-aad ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho hase ahaatee waxaa uu u baaqday Kooram laโ€™aan.

Guddoonka Golaha ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in xubnaha Golaha ay masuuliyad gaar ah iska saaraan ilaalinta waqtiga si looga howlgalo shaqooyin badan oo xiligan golaha Horyaala.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale