Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Date:

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa ka doodista qorshe-howleedka Golaha iyo Guddiyada ee Kalfadhiga 8-aad.

Ugu horreyn Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa xubnaha Guddiga Joogtada u soo bandhigay isla markaana faahfaahin ka bixiyay qorshe-howleedka Golaha, shuruucda soo gaartay Aqalka Sare, iyo hindise-sharciyeedyada weli sugaya dhammeystirka habraacyada akhrisyada u haray, si mudanayaashu uga gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee saaran.

Intaas kadib, xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa dood iyo falanqayn qoto-dheer ka yeeshay ajandaha kulanka, iyagoo sidoo kale soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ku saabsan hannaanka shaqo ee Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare inta lagu guda jiro Kalfadhiga 8-aad.

Guddoomiye Cali Shacbaan Ibraahim oo kulanka soo xiray, ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah uga mahadceliyay talooyinka, aragtiyaha iyo doodihii miro-dhalka ahaa ee ay soo bandhigeen, kuwaas oo salka ku hayay horumarinta hannaanka waajib gudashada Golaha iyo xoojinta doorka korjoogteynta. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay xubnaha guddiga inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda iyo shaqada ay u hayaan Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...