Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa maanta guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La-taliyayaasha Wasaaradda.

Shirka waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Cadaaladda, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La-taliyayaasha Wasaaradda, waxaana diiradda lagu saaray qiimeynta waxqabadka billaha ah, dardargelinta qorshayaasha istaraatiijiyadeed iyo diyaar-garowga bandhigga waxqabadka afarta sano ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay soo bandhigista guulaha la taaban karo iyo horumarka laga gaaray dhinacyada cadaaladda iyo dhameystirka dastuurka dalka.

Wasiiru Dowlaha ayaa ku bogaadiyay Agaasimayaasha iyo La-taliyayaasha Wasaaradda dadaalka ay ku bixiyeen gudashada waajibaadkooda, isagoo ku booriyay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isla xisaabtanka iyo dardargelinta howlaha mudnaanta leh si loo xaqiijiyo himilooyinka iyo qorshayaasha qaran ee Wasaaradda loo igmaday.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...