Wasiirka Cadaaladda oo Muqdisho ka furay Shir looga hadlayo ka hortaga musuqa iyo hormarinta howlaha dowladda

Date:

Muqdisho (SNTV) Kulankan dood wadaaga ah ee Dhibaatooyinka Musuq Maasuqa iyo sida loo hormarin karo howlaha dowladda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka qayb galayaan qaar ka mid ah Hay’adaha dowladda iyo bulshada rayidka ayaa waxaa furay wasiirka wasaaradda Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji waxaana uu socon doonaa 2 maalin oo ay ka qayb galayaashu ka doodi doonaan musuqa iyo sidii looga cirib tiri lahaa dalka.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda XFS Dr Ismaaciil Jimcaale Calasow oo ka hadlay furitaanka dood wadaagaan ayaa sharaxaad ka bixiyay Muhiimada loo qabtay kulankaan iyo waxyaabaha laga hadli doono labada maalin.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo si rasmi ah u furay Shirka ayaa sheegay in muhiimadda laga leeyahay ay tahay in Soomaaliya oo waqti dheer kaalmo hooseeya kaga jirta Musuqa iyo wax is daba marinta hadda waji ka duwan kaas loo horseedo.

“Waad ku mahadsan tihiin sida wanaagsan ee aad uga soo qayb gasheen Shirkaan Muhiimada loo qabtay waa inaan helno hanaan wanaagsan oo looga hortago Musuq maasuqa waxaana ku casuunay wasaarado dhowr ah sida wasaaradda Maaliyadda xafiiska xisaabiyaha guud xafiiska Hanti dhowrka guud waxaan idinku boorinaa inaad soo saartaan dood wax ku ool ah mudada labada maalin ah ee shirku socdo” ayuu yiri wasiirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan...

Wasaaradda Caddaaladda oo shaacisay xiliga la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS,...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka...