Gantaallo lagu weeraray Israa’iil oo ay ku dhaawacmen ku dhawada lix ruux

Date:

Ciidamada Israa;iil ayaa sheegay in gantaal laga soo ganay Daanta Galbeed ee marinka  Gaza ay saaka ku dhaceen  bartamaha dalkaasi,halkaasi oo uu dhaawac ka soo gaaray   lix ruux.

Weerarka gantaalkaasi waxaa lala beegsaday magaalada  Mishmeret dhanka Woqooyi Israa;iil,waxa uu ku dhacay guryo dadweyne kaas oo  dhaliyay dab qabsaday halkaasi iyo dhaawacyo lixda ruux soo gaaray.

Shilkaan ayaa yimid xilli ay jiraan xiisado u dhexeeya Yuhuudda iyo dadka reer Falastiin oo waqtigaan ku howlan  bannaanbaxyo  qeyb ka ah sida looga horjeedo  qabsashada dhulka reer  Falastiin.

weererka ayaa dhacay kadib markii ay kooxda Xamaas 10-cisho ka hor ay gantaallo ku garaaceen gudaha magaalada Tel Aviv

Gaza oo ah dhul ay maamulaan kooxda Xamaas,haddana waxaa jira kooxo kale oo ka dagaalama iyo kuwo ay taageeran dalka Iiraan.

Shaqaaqooyinkaan ayaa dhacaya ,iyadoo R/wasaare  Benjamin Netanyahu uu mar shanaad doonaya tartanka xilkaasi ,kaas oo hadda ku sugan magaalada Washington oo uu kula kulamayo Madaxweyne Donald Trump.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...