Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday Heshiis iskaashi dhanka caafimaadka ah

Date:

SNTV ;- Wasiirada Caafimaadka dalalka Soomaaliya iyo Masar Drs. Fowzia Abiikar iyo Drs Hala Zaid ayaa magaalada Qaahira ee Xarunta dalka Masar ku kala saxiixday heshiis Baratakool ee iskaashi una dhaxeeya wasaaradaha Caafimaadka ee labadan dal.

Wuxuuna heshiiskaan ay labada wasiir kala saxiideen uu ka tarjumayaa hogaanka suuban ee madaxda  dalalka Soomaaliya iyo Masar si loo sii horumariyo cilaaqaadka labada dal gaar ahaan sidii Wasaaradda Caafimaadka Somaaliya ay dowladda Masar ugu taageeri laheyd horumarinta Caafimaadka ee dhinaacyada badan leh.

Wasiirada Caafimaadka Masar Drs Hala Zaid  ayaa markii qalinka lagu duugay heshiiskaasi hadal gaaban ay halkaa ka jeedisay waxa ay sheegtay inay dowladeeda ay la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya u gudbinta waaya aragnimada iyo khibrada dhanka caafimaadka,waxayna sheegtay inay u soo diri doonto Muqdisho  khubaro ah ku takhasxusay dhanka caafimaadkaka kana shaqeeya daraasad dhanka gargaarka deg-dega ah iyo dhammaan arrimaha hawlaha caafimaadka la xiriira, kuwaas oo isla maarkaana kormeera nidaamka iyo wacyiga caafimaadka dalka gaar ahaan daryeelka Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliya.

Dhanka kale Dr. Khalid Mujahid oo ah afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Masar ayaa sheegay in heshiiskani uu muhiimad gaar ah siinayo in Soomaaliya laga Caawiyo Caafimaadka Guud kan Qoyska iyo Hooyada iyo dhallaanka.

Waxaana qeybka ah gar-gaarka deg-degga iyo tababaro la xiriir adeegyada Caafimaadka sida adeegyo Iskaashi oo dhanka Caafimaadka ah  oo dhaxmaro Labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...