LABA KA TIRSAN MALEESHIYADA DAACISH OO LA XUKUMAY

Date:

 Muqdisho (SNTV)-Xuseen Cali Maxamed Muudey oo magiciisa afarashadu yahay  Suheyb iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali  oo magiciisa afgarashadu yahay Qudaama ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada  Daacish.

Labada eedeysane ayaa mar kawada tirsanaa maleeshiyada argagixisada Al-shabaab, waxa ayna  sii doorteen in ay ku biireen kooxda daacish oo ay  sheegeen in ay jireen sababo ku riixayay ku biiristooda kuwaasi oo ku qatoma dana shaqsi sida  aar-gudasho iyo hanti.

Eedeysanaha  koowaad  ayaa sheegay in uu ku biiray kooxda Alshabaab 2014, waxa uu kaga biiray tuulada lagu magacaabo Moordiinle, waxa uu sheegay  in uu ku tashkiiliyay nin uu sheegay in uu qabo gabar abtigii dhalay, waxa uu sheegay in dhowr cisho  loo taba-barayay isticmaalka hubka sida qoriga AK-47.

Intii uu Alshabaab katirsanaa ayaa maleeshiyada gowraceen adeerkiis, intaas kadib ayuu sheegay in ay maleesiyada daacish u soo bandhigeen kamid noqosho ururka, waxa uu sheegay in loo soo diro lacag uu safar ugu baxayo Gaalkacyo si’ halkaasi uu uga sii qaado mid kamid maleeshiyada daacish oo ujeedkiisu ahaa meel ay ku sheegeen buuraha Calmiskaat  oo maleeshiyada Daacish gabaad u ah.

Taba-bar kale oo dheeraad ah ayay maleeshiyada daacish sii-yeen, waxa uu ku sii bartay Ak-47, B.K.M iyo RPG.

Sida uu sheegay waxa uu Daacish kaga soo tegay markii ay dileen saaxiibbo badan oo ka yimid maleeshiyada Alshabaab kuwaasi uu sheegay in loo arkay in ay ka fikiri duwan-yihiin ayna sidoo kale u yihiin maleeshiyada basaa-siin.

Ciidamada amniga ayaa soo qabtay xilli  ay maleeshiyada u soo wakiilatay dhagridda dadka Soomaaliyeed.Eedeysanaha koowaad ayaa la soo xiray 14/11/2018.

Eedeysanaha labaad ayaa sidoo kale ahaa mid katirsan maleeshiyada Alshabaab,  waxa uu kaga biiray maleeshiyada Alshabaab tuulada moordiinle. 2014 horraanteedii, waxa uu sidoo kale ka shaqeeyay tuulooyin kale sida Janaale, Awdhiigle.

Muddo kadib ayuu ku biiray maleeshiyada Daacish 2016, waxa uu kaga biiray Weydow. Waxa uu u baxay dhulkan bari ee Boosaaso, waxa uu tababar ku qaata buuraha gobalka.

Intii uu daacish la joogo waxa uu  la baxay Daahir, waxa uu ka howlgalay Af-Urur sidoo kale meel lagu magacaabo Calmiskaat, Eedeysanaha labaad  ayaa la soo xiray 20/11/2018 isagoo u joogo Muqdisho  sidii uu u fulin lahaa amarrada horjoogayaasha Daacish.

 

Labada eedeysane ayaa isku aqoonsaday halka ay ka socotay baaristooda, waxa ay u sheegeen hey’adaha baarista in ay kawada tirsanaayeen maleeshiyada Daacish.

Ciidamada amniga ayaa u soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta, xeer ilaaalinta ayaa weydiisatay garsoorka xabsi ku heyn inta ay soo dhameystirayaan dacwadda 05-02-2019,  muddo kadib baaristooda waxa ay weydiisteen Maxkamadda Muddeyn Maxkamadeed, xafiiska ayaa codsaday in la muddeyo 02-03-2019.

16-03-2019 ayaa  la muddeeyay dhageysiga dacwadda, sedax cisha kadib ayaa loo faristay, ugu dambeyn maanta ayaa go aan si wada jir ah looga soo saaray, waxaana lagu wada xukumay min lix sano sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Ceeldheer oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...