Kulan looga hadlayey siddii loo xoojin lahaa howlaha baarlamaanka Federaalka oo Muqdisho ka dhacay

Date:

Muqdisho (SNTV)- Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay siddii loo xoojin lahaa howlaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana labada aqal baarlamaanka ay ka hadleen howlaha horyaalla iyo siddii ay gacan u siin lahaayeen hayโ€™adaha ka shaqeeya baarlamaanka iyo wadamada taageera.

Guddoonada labada aqal iyo guddiga dib u eegista iyo la socodka iyo hirgelinta dastuurka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dheeraaday shuruucda , muhiimada baarlamaanka uu leeyahay iyo dib u eegista dastuurka KMG halka uu marayo ee gabogabada ah.

Madaxda hayโ€™adaha ka shaqeeya baarlamaanka iyo Safiirada wadamada Switzerland iyo Norway ayaa dhankooda sheegay in gacan ay ka siin doonaan baarlamaanka federaalka Soomaaliya siddii waajibaadkooda ay u gudan lahaayeen.

Gabogabada kulan ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiye ku-xiggeenka Laad golaha aqalka sare BFS Sen. Mowliid Xuseen Guhaad, waxa uuna sheegay in kulankan aqalka sare uu muhiin u yahay, maadaama uu yahay aqal cusub.

Guddoomiyaha golaha Shacabka BFS Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa u mahad celiyay hayโ€™adaha ka shaqeeya baarlamaanka iyo Safiirada wadamada Switzerland iyo Norway sida ayย  ula shaqeeyaan baarlamaanka.

Kulanka ayaa waxaa ku sugnaa guddoonada labada aqal baarlamaanka , guddiga dib u eegista, la socodka iyo hirgelinta dastuurka baarlamaanka Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socday UNSOM, UNDP, Switserland ,iyo Norwey.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale