Golaha Wasiirrada Hirshabeelle Oo Ansixiyay Afarta Tubood Iyo Halbeegyada Ku Xusan

Date:

Jowhar 20 Maarso 2019: Iyaddoo laga amba qaadayo qorshaha horumarinta qaranka iyo halbeegyada iyo hawalaha afarta tubood ee qaranka iyo mabaadi’da federaalka ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya sida ku xusan qodobka 50aad Dastuurka KMG ee JFS, Golaha Wasiirrada waxay go’aamiyeen in ay ku shaqeeyo Afar Tubood.

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, iyadoo fulineysa siyaasadda Qaran ee daadajinta awoodaha, adeegyada, dowlad wanaagga iyo isla-xisaabtanka ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayeey soo gebagebeysay dejinta qorsheyaasha Hay’adaha Dowladda Hirshabeelle, si loo dar-dar geliyo geeddi-socodka hawlaha Golaha Wasiirrada iyo laamaha kale ee Dowladda.

Kadib soo dharaan dhirintii Halbeegyada hortabinta u leh Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Golaha Wasiirrada waxay go’aamiyeen in ay ku shaqeeyo Afar Tubood (1. Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay, 2. Tubta Horumarinta Dhaqaalaha, 3. Tubta Amniga iyo Cadaaladda iyo 4. Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada) oo ay ku qoranyihiin halbeegyada iyo hawlaha muhimka u ah geedi socodka dhisidda hay’adha Dowaldda Goboleedka Hirshabeelle si ay u bixiyaan adeegyada muhimka u ah bulshada.

Golaha Wasiirrada Hirshabeelle ayaa loo qeybiyo afar guddi hoosaad oo u abaabullan sida ay shaqooyinkoodu iskugu dhowyihiin si loo helo wada shaqeyn mug leh oo dhexdooda ah iyo isla xisaabtan dhab ah, Waxaana sidoo kale Golaha Wasiirrada Hirshabeelle ansixiyeen Xeer Hoosaadka cusub ee Golaha oo hagi doona hab dhaqanka cusub ee dowladnimo.

Goluhu wuxuu u mahad celinayaa Ra’iisul Wasaaraha JFS iyo hawl wadeenada ka socday Xafiiskiisa oo si mug leh uga qaybqaatay dejinta qorsheyaasha Hirshabeelle ee la hirgelin doono sanadaha soo socdo.

Dowlad Goboleedka Hirshabeeelle waxey tusaale uga tahay dalka intiisa kale in dhaqanka federaalku uu yahay midnimo wada jir iyo iskaashi heerarka dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...