Jowhar 20 Maarso 2019: Iyaddoo laga amba qaadayo qorshaha horumarinta qaranka iyo halbeegyada iyo hawalaha afarta tubood ee qaranka iyo mabaadiโda federaalka ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya sida ku xusan qodobka 50aad Dastuurka KMG ee JFS, Golaha Wasiirrada waxay goโaamiyeen in ay ku shaqeeyo Afar Tubood.
Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, iyadoo fulineysa siyaasadda Qaran ee daadajinta awoodaha, adeegyada, dowlad wanaagga iyo isla-xisaabtanka ee Xukuumadda Raโiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayeey soo gebagebeysay dejinta qorsheyaasha Hayโadaha Dowladda Hirshabeelle, si loo dar-dar geliyo geeddi-socodka hawlaha Golaha Wasiirrada iyo laamaha kale ee Dowladda.
Kadib soo dharaan dhirintii Halbeegyada hortabinta u leh Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Golaha Wasiirrada waxay goโaamiyeen in ay ku shaqeeyo Afar Tubood (1. Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay, 2. Tubta Horumarinta Dhaqaalaha, 3. Tubta Amniga iyo Cadaaladda iyo 4. Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada) oo ay ku qoranyihiin halbeegyada iyo hawlaha muhimka u ah geedi socodka dhisidda hayโadha Dowaldda Goboleedka Hirshabeelle si ay u bixiyaan adeegyada muhimka u ah bulshada.
Golaha Wasiirrada Hirshabeelle ayaa loo qeybiyo afar guddi hoosaad oo u abaabullan sida ay shaqooyinkoodu iskugu dhowyihiin si loo helo wada shaqeyn mug leh oo dhexdooda ah iyo isla xisaabtan dhab ah, Waxaana sidoo kale Golaha Wasiirrada Hirshabeelle ansixiyeen Xeer Hoosaadka cusub ee Golaha oo hagi doona hab dhaqanka cusub ee dowladnimo.
Goluhu wuxuu u mahad celinayaa Raโiisul Wasaaraha JFS iyo hawl wadeenada ka socday Xafiiskiisa oo si mug leh uga qaybqaatay dejinta qorsheyaasha Hirshabeelle ee la hirgelin doono sanadaha soo socdo.
Dowlad Goboleedka Hirshabeeelle waxey tusaale uga tahay dalka intiisa kale in dhaqanka federaalku uu yahay midnimo wada jir iyo iskaashi heerarka dowladda.



