Ra’iisul Wasaaare Khayre Oo Guddoomiyay Shir Ay Yeesheen Wasiirrada Socdaalka Ku Wehliya Iyo Wasiirrada Jubaland

Date:

Arbaco, Maarso 13, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shir ay Kismaayo ku yeesheen wasiirrada ku wehliya socdaalkiisa iyo wasiirrada wada shaqayntu kala dhexeyso ee ka tirsan dawlad gobaleedka Jubaland.

Shirka Wasiirrada dhex maray oo uu sidoo kale goob joog ka ahaa madaxwaynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa intiisa badan looga hadlay sidii looga gudbi lahaa madmadawga jiray ee hoos u dhigay isku xirnaanta ka dhexeysa labada dhinac iyo sidii loo abuuri lahaa jawi wada shaqeyn buuxda oo fududeeya gudashada waajibaadka madaxda ka saaran u adeegidda ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka intii uu socday ayaa lagu heshiiyay in dhammaan la xalliyo cabashadii jirtay iyo in labada dhinac ay yeeshaan wada shaqayn buuxda si hannaan wadajir ah loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka qorshaynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in wasiirrada federaalka iyo wasiirrada Jubaland laga doonayo in ay dardar-geliyaan fulinta qodobadii kasoo baxay shirkaan oo sidoo kale looga hadlay xoojinta Tababararada, iskaashiga iyo wadashaqaynta shaqaalaha Dawladda.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ku joogo magaalada Kismaayo ayaa qorshihiisa ugu wayn waxa uu ahaa in sare loo qaado midnimada, wadajirka, wada shaqaynta dawladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad gobaleedka Jubaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku khaarijiyay Horjooge Khawaarij ah

Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaanbax looga soo horjeedo faragelinta Israa’iil ku sameysay dalkeena...