Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo Kulan wadatashi ah u qabatay Hayโ€™adaha fulinta iyo Sharci dejinta Maamulka Galmudug

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Kulanka wada-tashiga ah oo muhiimad ballaaran u leh horumarka dalka iyo deegaannada maamulka Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanada Baarlamaanka, Agaasimayaasha Hayโ€™addaha Dawlad gobaleedka Galmudug iyo Madax ka socota Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Inta uu socday kulanka ayaa la qeexay hab-raaca Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad ,tiirarka uu ka kooban yahay, yaraynta saboolnimada iyo geeddi-socodka deyn cafinta Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Hayโ€™addaha dowlad gobaleedkan Galmudug ayaa soo dhaweeyay wada-tashiga Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad oo ahmiyad weyn u leh Galmudug iyo guud ahaan dalkaba.

Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Gobaleedkaย  Galmudug ee ka soo kala jeeda dhammaan ย deegaannada maamulka ayaa soo bandhigay xogaha dhabta ah ee ka jira deegaannada qaar ee ay gacanta ku hayso Galmudug iyo xaaaladaha ka jira, isla amrkaana soo badnhigay hannaanka saboolnimada halkaasi ka jirta.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa soo bandhigay talooyin ku aaddan waxa sababay saboolnimada ka jira deegaannada Maamulka Galmudug iyo qaabka hadii la qorsheeyo looga baxi karo, wax ayna Golaha Wakiillada Galmudug bogaadiyeen qaabka wanaagsan ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ay u waddo wada-tashiga Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad.

Wasiirka Qorshaynta Dowladd gobaleedka Galmudugย  Mudane Cabdi Kafi Maxamed Maxamuud ayaa qiray in howl adag maalmahan Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradda Qorsheynta Galmudug ay wadeen oo ku aaddan Wada-tashiga Qorsahaย  Horumarinta Qaranka 9aad, ka Galmudug ahaana qiimo wayn ugu fadhiyo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Asad Yusuf Qanyare ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka socata Dowladd gobaleedka Galmudug iyo sida wanaagsan oo ay ugu qeyb qaateen wada-tashiga Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad.

Agaasime Asad ayaa sharraxay muhiimadda wada-tashiga uu u leeyahay dalka iyo in la dhageysto ummadda waxa ay leedahay loona qorsheeyoย  โ€œ hada wareegga kowaad ee Qorshaha Horumairnta Qaranka Sagaalaad ayaan ku jirnaa waxaan Sameyn doonaa ilaa sadax wareegg kale oo aan la yeelanayo dhamaan umadda Soomaaliyeed meel walbo ay joogan, waan idinku soo laaban doonaa si aan u dhageysano taladiinaโ€

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qadar

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Soomaaliya oo 35 Sano kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...