Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gopbolka Minesota

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi  Salaad (Omaar) oo booqasho shaqo ku jooga wadanka Mareykanka ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minisota ee Waddankaan Maraykanka.

Wasiirka ayaa jaaliyadda uga warbixiyay howlaha baaxada leh ee ay wasaaradiisu qabatay labadii sano oo uu xilka hayay, waxaana wasiirku ka xusay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:

1- soo Celinta maamulka iyo maareynta hawada Soomaaliyeed.

  1. Suurta galinta In ay shirkaddo caalami ah dib uga howl galaan garoonka caalamiga ah ee Aadan cade.
  2. Duulimaadka diyaaradaha ee xiliyadda habaynkii oo la suurta galiyey .
  3. Qorshaha dib u soo celinta Somali Arline’s oo uu sheegay inay meel fiican marayso.
  4. Sare u qaadista bilicda iyo ballaarinta garoonka Aadan cadde.
  5. Dajinta, dhameystirka iyo dhaqangalinta hindisa sharciyeedka hay’adda duulista iyo gaadiidka hawada ee Soomaaliya.
  6. Iyo sidoo kale Dhisidda shaqaale xirfad sare leh oo ka howl gala wasaaradda iyo guud ahaan waaxyada kala duwan ee xukuumadda uu ka tirsanyahay.

Wasiirka ayaa ka mahad celiyey soo dhaweynta diirran ee ay jaaliyaddu u samaysay iyo taageerada ay u muujiyeen dowladda Feedaraalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo mudane Maxammed Cabdullaahi Farmaajo iyo sidoo kale Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayrre.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo dhaweynta wasiirka Xog hayhaya Koowad ee Saafaradda Soomaliya ee Mareykanka Mudane Cabdiraxmaan Bashiir, isagoo ka warramay jaaliyadda iyo horumarka ay ku tillaabsatay.

Gabagabadii ayaa waxaa ay Golaha arrimaha dadweynaha Somalida Mareykanka oo loo yaqaan Somali American PAC gudoonsiiya  billad sharaf wasiirka iyo dhamaan golaha wasiirada Soomaliya oo loo mariyay xafiiska raisul wasaaraha Xassan Cali Kheyre.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka qayb galay shirka warshadaha Dalalka ku bahoobay EAC

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee...

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Yemen oo wasaaradda Arrimaha dibedda Yemen ka guddoontay warqadaha Aqoonsiga

Danjiraha JFS ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed...

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Asad Cabdirisaaq...

Wasiirka Qoyska XFS oo furtay Imtixaanka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...