Wasiirka Gaashaan-dhigga oo tababar la xiriira Xeerka Anshaxa ee Ciidanka Xoogga u furay Saraakiil iyo Agaasimeyaal

Date:

Muqdisho (SNTV) Tababarkan aqoon kororsiga ah ayaa ku saabsan xeerka Anshaxa ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana loo furay saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga iyo Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Gaashaan-dhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Maalmaha uu socdo tababarka ayaa dhinacyada ka qeyb galaya waxa ay baran doonaan xeerkan iyo habka ugu wanaagsan ee loo dhaqan gelin karo, si xeerkan uu u noqdo mid shaqeeya.

“Waxaan maanta Daah-furay Siminaar ku saabsan Xeerka Anshaxa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Waxaana ka qeyb-galaya Saraakiil ka tirsan Taliska Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Agaasima Waaxeedyada Wasaaradda Gaashaandhigga”ayuu yiri Wasiirka Gaashaan dhigga Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed.

Wasaaradda Gaashaan-dhigga ayaa dadaal ugu jirta sidii loo soo saari lahaa ciidan tayeysan oo fahamsan waajibaadka ka saaran dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...