Taliyaha Ciidanka Asluubta dalka Suudan oo booqday Xarunta taliska Booliska Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho (SNTV) Taliyaha Ciidanka Asluubta Dalka Sudaan S/Guud Haatim Al-nuur  C/qaadir oo martiqaad ka helay dhigiisa dalka Soomaaliya  S/guud Bashiir Maxamed Jaamac  ayaa waxaa Xarunta Taliska Boliiska ku soo dhaweeyey Taliayaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed iyo Madaxda Hogaanadda Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dalka Sudaan oo ay wehliyaan Taliyayaasha Ciidamadda Asluubta iyo Boliiska ayaa Salaan ka qaatay Cutub ka tirsan Ciidanka Boliiska waxaana kooxda baanbeyda Muusikada u garaaceen Astaanka Muusikada Labada Dal, isagoo mid mid ugu soo wareegay qaybaha uu ka kooban yahay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Taliayaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa martiqaad rasmi ah ugu dhiibay Taliyaha Ciidanka Boliiska Suudaan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dalka Sudaan Saree Guud Haatim Alnuur C/qaadir ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta ay u sameeyeen Ciidanka Boliiska, iyadoo ay tahay markii ugu horeysey ee uu booqasho ku yimaado Dalka Soomaaliya.

Dalka Suudaan ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka ugu horeeya ee ka caawiya Soomaaliya Tababarida qaybaha ay ka kooban yihiin Ciidanada Qalabka Sida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...