Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb gashay munaasabad lagu sagootinayay Madaxii Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV): Munaabsad lagu sagootinayay madaxii Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO u qaabilsanaa Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya,wasiir kuxigeenka,Agaasimaha guud,dhaqaatiir iyo marti sharaf kale,iyadoo goobta lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan waxqabadkii mas’uulkan intii uu ka shaqeynayay Soomaaliya.

Dr. Popal Ghulan Rabani oo ah madaxii Hay’adda WHO ee Soomaaliy oo waqtigiisu dhammaaday,ayaa si weyn uga hadlay waxqabadka xafiiskiisa mudadii uu joogay,wuxuuna sheegay iney guulo ka gaareen horumaro laga sameyeey adeegyada caafimaad ay bulshadu u baahnaayen,sida ololihii ciribtirka cudurka Dabeysha ee Soomaaliya,wuxuu ku ammaanay hay’adaha caafimaadka heer Federal iyo heer dowlad Goboleed kaalintii ay ku lahaayeen fududeynt howlaha xafiiska uu qabanayay.

Mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi ayaa ka mahad celiyay waxqabadkii madaxii Hay’adda WHO Dr. Popal Ghulan Rabani,isagoo xusay in howlihii la qabtay Bulsho badan oo Soomaaliyeed ay ka faa’ideysteen.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa ku ammaantay Dr Popal Ghulan Rabani  guulihii uu soo hoyay.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa shahaado sharaf guddoonsiisay Dr. Popal Ghulan Rabani, maadaamo oo uu ku guuleystay shaqo wanaag.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...