Muqdisho(SONNA):- Ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo kooxo dhagar qaabayaal ah ku dileen magaalada Muqdisho. Ku simaha Guddoomiyaha Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa dhammaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,Shacabka Soomaaliyeed,Qoyskii iyo QaraaBadii uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka,wuxuuna Alle uga baryay naxariistii janno. Sidoo kale,Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cismaan Cilmi Boqore,waxayna Alle uga baryeen inuu ka waraabiyo naxariistiisa Janno. Dhan kale, Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa Ehlada iyo Golaha shacabka uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo Muqdisho lagu dilay

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo kooxo dhagar qaabayaal ah ku dileen magaalada Muqdisho.

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa dhammaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,Shacabka Soomaaliyeed,Qoyskii iyo QaraaBadii uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka,wuxuuna Alle uga baryay naxariistii janno.

Sidoo kale,Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cismaan Cilmi Boqore,waxayna Alle uga baryeen inuu ka waraabiyo naxariistiisa Janno.

Dhan kale, Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa Ehlada iyo Golaha shacabka uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo Muqdisho lagu dilay

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...