Muqdisho(SONNA):- Ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo kooxo dhagar qaabayaal ah ku dileen magaalada Muqdisho. Ku simaha Guddoomiyaha Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa dhammaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,Shacabka Soomaaliyeed,Qoyskii iyo QaraaBadii uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka,wuxuuna Alle uga baryay naxariistii janno. Sidoo kale,Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cismaan Cilmi Boqore,waxayna Alle uga baryeen inuu ka waraabiyo naxariistiisa Janno. Dhan kale, Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa Ehlada iyo Golaha shacabka uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo Muqdisho lagu dilay

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo kooxo dhagar qaabayaal ah ku dileen magaalada Muqdisho.

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa dhammaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,Shacabka Soomaaliyeed,Qoyskii iyo QaraaBadii uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka,wuxuuna Alle uga baryay naxariistii janno.

Sidoo kale,Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cismaan Cilmi Boqore,waxayna Alle uga baryeen inuu ka waraabiyo naxariistiisa Janno.

Dhan kale, Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa Ehlada iyo Golaha shacabka uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo Muqdisho lagu dilay

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...