Tababar loo soo xiray shaqaale ka tirsan Wasaaradda Gar-gaarka iyo Maareynta Musiibooyinka

Date:

Muqdisho(SNTV) Munaasabadda xiritaanka tababarakan oo lagu baranayaya hab qoraalada codsiyadda Mashaariic oo loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda Gaar-gaarka iyo maareynta musiibooyinka waxaa ka qeyb galay, wasiirka wasiir ku-xigeenka agaasimaha guud iyo mas’uuliyiin kale.

Tababarkan oo socday mudo todobaad ah ayaa shaqaalaha waxaa ay kaga faa’ideysteen qibrado ku aadan habka qoraalada codsiyada mashaariicda,iyadoo Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay geba gebada xiritaanka tababarkani.

Waxaana ugu horeyn tababarkaasi ka Danjire Cali Siciid Fiqi Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub oo bixinayaya tababarkaasi iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Mukhtaar Sheekh Xuseen Jimcaale,waxaana ay sheegeen in uu ahaa tababar ahmiyad gaar ah leh,iyagoona shaqaalaha kula dardaarmay in ay maskaxdoodi furan oo aqoontoodi kor u qaadaan,si ay bulshada ugu adeegaan si hufan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka C/rashiid Maxamuud Xasan iyo Wasiirka Wasaaradda Xamsa Siciid Xamsa ayaa ku booriyay shaqaalaha in tababarkii ay qaateen ay ugu adeegaan bulshadooda,wuxuuna Wasiir Xamsa uu sheegay in arrintani looga maarmi karo in dad ajaaniib ah loo yeerto si ay tababar u bixiyaan,taasi bedelkeedina ay tahay wadada kaliya looga gudbi karo,wuxuuna intaasi ku daray in xitaa la gaarsiin doono deegaanada kale ee dowlad goboleedyada.

Tababarkan ayaa ahmiyad gaar ah u leh shaqaalaha Wasaaradda Gargaarka,iyadoo uu u sahlayo gudashada waajibaadkii loo igmaday iyo ka jawaabista arrimaha la xiriira gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee dalka ka dhaca.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...