Madaxweynaha Jubbaland oo xariga ka jaray xarumo loogu talagalay iney ku shaqeeyaan Wasaaradaha

Date:

Kismaayo (SNTV):- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland  Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xariga ka jaray Dhismayaasha loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan qaar kamid ah Wasaaradaha Maamulka Goboleedka Jubbaland.

Dhimayaashan oo loo dhisay qaab casri ah ayaa waxaa ku shaqayn doona Wasaaradaha wax soo saarka leh kuwaas oo kal hore ku shaqaynayay Xarumo kale, balse hada kadib halkan ka bilaabi doona Adeegyadii ay Bulshada u hayeen.

Madaxweynaha ayaa ka mahad celiyay dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay wakhtigii dhismaha Xarumahan ay socdeen isagoo u tacsiyeeya qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u Naxariiste Nuur Cali magan oo ahaa Agaasimahii shirkada dhismaha Xarumahan fulisay kaas oo dhawaan geeriyooday waxaa kale oo Madaxweynahu uu tacsi u diray qaar kamid ah Shaqaalaha Hay’ada SSF oo ku geeriyooday Qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Nairobi.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhismaha Xarumahan oo lacag badan ay ku baxday ayna suuro gal noqoteen hadii Hanaanka Dowladnimo iyo nabadgalyada Jubbaland aanay ahayn mid la hubo oo dhammaystiran, wuxuuna ammaanay Ciidamada Amniga qaybahooda kala duwan, isagoo sheegay in Dhammaan Maalgashiga iyo hanaanka deeqbixinta ay Jubbaland diyaar u tahay loona baahan yahay in lagu soo hirto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...