Wasaaradda Qorsheynta oo kulan wada tashi ah ka furtay Hirshabeelle

Date:

Jowhar-(SNTV)-Kulan wada tashi ah oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii ay Ururrada Bulshadda rayidka Hirshabeele talooyinkooda ay uga dhax muuqan lahaayeen Qorshaha horumarinta Qaranka ayaa lagu qabtay Magaalada Jowhar.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen madax uu ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Asad Yusuf Qanyare ayaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa qorshaha Sagaalaad ee horumarinta Qaranka, iyo hadafka Wasaaradda oo ah in la dhagaeysto Bulashadda Soomaaliyeed oo dhan.

Agaasimaha ayaa sheegy in ay diyaar u yahiin in ay dhageystaan Urarrada Bulshada rayidka iyo talooyinkoooda ku aadan Qorshaha saldhigga u ah horuarminta Dalka, sida yarynta Saboolnimada, geeddi socodka deyn cafiska Soomaaliya.

Ururrada Bulshada rayidka ayaa loo qeybiyay Shan koox oo ay saldhig u tahay tubaha qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad, waxanay Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka kulankaa ku sugnaa soo bandhigeen aragti muhiim u ah geeddi socodka qorista qorshaha oo ahmiyad ballaaaran u leh Dalkeenna.

Dhinaca kale, waftiga uu hoggaaminayo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheyta, Mudane Asad Yusuf Qanyare ,ayaa la kulmay Madaxweyne ku xigeenka  Maamulka Hirshabeele, Cali Guudlaawe isagoo uga warbixiyay dedaallada ku aaddan geeddi socodka qorista qorshaha horuamrinta Qaranka Sagaaalaad.

Madaxeeyne, Cali Guudleewe ayaa soo dhaweeyay wadatashiga Wareegga kowaad ee Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad ee xiilligan ka socda , Hirshabeelle iyo maamullada Dalka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...